Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si adag uga jawaabay dhaliilaha uga yimid qaar ka mid ah waddamada Islaamka iyo xisbiga mucaaradka KAAH ee la xidhiidha safaaradda ay Somaliland ka furatay magaalada Qudus iyo guud ahaan xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil ee wadamaadaasi kasoo horjeedaan.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in safaaradda Somaliland laga furay Galbeedka Qudus, oo uu ku tilmaamay dhul ay dalal badan oo caalamka ahi u aqoonsan yihiin inuu ka tirsan yahay Israa’iil. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ay ku salaysan tahay ilaalinta danaha Somaliland.
“Layma dooran inaan Falastiin u shaqeeyo, ee waxaa la ii doortay inaan danta Somaliland ka shaqeeyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro. Isaga oo sheegay in Somaliland ayna wax dhibaato ah u gaysan Falastiin isla markaana ay taageersanyihiin in ay aayahooda ka tashadaan.
Waxa uu sheegay in Somaliland muddo 35 sano ah taageero iyo aqoonsi ka raadinaysay dalalka caalamka, gaar ahaan kuwa Islaamka, balse aanay helin jawaab ay ku qancaan. Sida uu sheegay, inkasta oo Somaliland tahay bulsho Muslimiin ah oo xiriir walaaltinimo la leh dunida Islaamka, haddana waddamada Islaamka ayaan aqoonsan jiritaankeeda.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Israa’iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, taasina ay sabab u tahay in labada dhinac yeeshaan xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa.
Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in qaar ka mid ah waddamada Islaamka ay ka horyimaadeen tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee Somaliland qaaday, sida magacaabista safiirka Israa’iil iyo furitaanka safaaradda Qudus


