Sahan media Muqdisho: Fadhiga Maxkamadda oo dhagaysanaysay kiiskaas ayaa ninka ku eedeysnaa dilka ay maxkamaddu u oggolaatay inuu hadal jeediyo waxaa uu si dareen leh u gudbiyey farriintan, “Cabdikariin Axmed Bulxan eedda la igu soo eedeeyey, dilkiisa waa gaystay, si kas ah ayaan u gaystay, Cabdikariin Axmed Bulshan Illaahay anniga ayuu igu sababay, waxaan diyaar u ahay in dunuubtiisii layga gudo baan diyaar u ahay oo maxkamadda ka codsanayaa oo sharciga lay waafajiyo,” ayuu yiri Cabdixakiin
Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Galgaduud, Sheekh Cismaan Cali Hudey ayaa sheegay in labada hannaan ee wax lagu xukumo ee salka u ah caddaaladda ay yihiin qiraal uu la yimaado qofka eedeysanaha iyo in laba marqaati oo caadiliin ah ay ku oogaan, balse kiiskan eedeysanuhu isagaa isku qirtay danbiga lagu eedeeyey.
Intaasi kadib garsooraha maxkamadda oo lagu magacaabo Axmed Salaad Kulane ayaa ku dhowaaqay go’aanka, wuxuuna sheegau in dil toogasho ah lagu xukumay Cabdi Maxamuud Xaashi oo ah qisaasta marxuumkii uu dilay ee Maxamed Cabdi Xaashi.