HomeWararka MaantaCali Balcad: Xitaa haddii dhaqaalo la waayo Ciidamada Midowga Afrika si degdeg...

Cali Balcad: Xitaa haddii dhaqaalo la waayo Ciidamada Midowga Afrika si degdeg ah uma bixi doonaan

Sahan Media Muqdisho: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad), ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu weli wajahayo caqabado dhinaca maalgelinta ah, balse aysan jirin qorshe muujinaya in ciidamada howlgalkaasi ay dalka uga baxayaan si degdeg ah dhammaadka sanadkan.

Wareysi uu siiyay Universal TV ayuu Cali Cumar Cali ku sheegay in shirka ay ka qeyb galayaan madaxda dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, wasiirrada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada uu diiradda saari doono sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha dhaqaale ee soo wajahay howlgalka AUSSOM iyo sidii loo sii wadi lahaa taageerada amniga Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in howlgalka Midowga Afrika uu ku tiirsan yahay laba tiir oo waaweyn, kuwaas oo kala ah gunnooyinka ciidamada iyo adeegyada saadka, caafimaadka, gaadiidka iyo qalabka. Sida uu sheegay, gunnooyinka ciidamada waxaa muddo dheer maalgelin jiray Midowga Yurub, halka adeegyada saadka ay bixin jirtay Qaramada Midoobay iyadoo loo marayo barnaamijka UNSOS.

Wasiiru-dowlaha ayaa xusay in walaaca ugu weyn uu ka dhashay suurtagalnimada isbeddel ku yimaadda taageerada Mareykanka ee howlgalka, taasoo, sida uu sheegay, keentay in la qiimeeyo qaabab cusub oo lagu sii wadi karo maalgelinta ama loo diyaariyo qorshe kale oo lagu maareeyo howlgalka.

“Xitaa haddii ay dhacdo in taageero dhaqaale la waayo, ciidamada AUSSOM kama bixi doonaan Soomaaliya hal mar. Ka bixitaankoodu wuxuu u baahan yahay qorshe kala-guur ah oo qaadan kara sannad ilaa sannad iyo bar si ay si nabad ah uga baxaan, ugana qaataan qalabkooda,” ayuu yiri.

Cali Cumar Cali ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay shirka la tageyso qorshe ku saleysan in muddo laba sano gudahood ah ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka. Wuxuu xusay in ciidamada Soomaaliyeed ay hore ula wareegeen goobo badan oo ay maamuli jireen ciidamada Midowga Afrika, isla markaana qorshuhu yahay in si tartiib tartiib ah loo dhammaystiro wareejinta goobaha haray.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in inkastoo Mareykanku dib u eegis ku wado taageerada uu siiyo howlgallo caalami ah, haddana arrintaasi aysan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, isla markaana ay weli socdaan wada-hadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Mareykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments