Google search engine
HomeWararka MaantaCiidamada ATMIS ee gobolka Bay oo deeq daawo ah gaarsiiyay Isbitaalka Baydhabo

Ciidamada ATMIS ee gobolka Bay oo deeq daawo ah gaarsiiyay Isbitaalka Baydhabo

Sahan media Muqdisho: Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa deeq daawo ah gaarsiisay Isbitaalka Gobolka Bay ee Maamulka Koonfur Galbeed, si loo horumariyo adeegyada caafimaad ee deegaanadaas.

Deeqdan oo ka jawaabeysay codsi ka yimid maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ka koobneyd 73 dawooyin kala duwan iyo agabyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Antibiyootiga sida Amoxicillin, azithromycin, erythromycin, cetirizine, dextrose iyo insulin. Intaa waxaa dheer, ciidamadu waxay bixiyeen qalabka gargaarka qalliinka sida saliingadaha, galoofyada, maaskaro, faashado iyo tuubbado.

“Waxaan ku rajo weynnahay in sahayda caafimaad ee kala duwan ee maanta lagu deeqay ay si weyn u dabooli doonto oo ay wanaajin doonto baahiyaha caafimaad ee degdegga ah ee dadka deegaanka,” ayuu yiri Lt.Col. Dr Terefe Nigussie, madaxa isbitaalka heerka labaad ee ATMIS ee magaalada Baydhabo.

Dr Nigussie ayaa sidoo kale iftiimiyay dadaalka caafimaad ee socda ee ATMIS isagoo sheegay in, “Deeqdani waxay bogaadinaysaa daawaynta bilaashka ah ee toddobaadlaha ah ee ay bixiyaan dhakhaatiirtayada cisbitaalka Heerka Labaad ee ATMIS dadka deggan ee raadsada daryeel caafimaad oo dheeraad ah ama loo gudbiyo daaweyn khaas ah.”

Isagoo ka guddoomay deeqdan isagoo wakiil ka ah maamulka Koonfur Galbeed, Duqa magaalada Baydhabo, C/llaahi Watiin, ayaa ka mahadceliyey taageerada ATMIS ay la garab taagan tahay bulshada deegaanka.

“Waxaan u mahadcelineynaa ciidamada ATMIS sida ay noogu soo gurmadeen bulshadeena. Mar kasta oo aanu u yeedhno, had iyo jeer way ka jawaabi jireen codsiyadayada, “ayuu yidhi Mayor Watin.

Agaasimaha guud ee cisbitaalka C/fitaax Ibraahim Xaashi ayaa balan qaaday in deeqdan ay ka faa’iidaysan doonaan bulshada deegaanka gaar ahaan dadka jilicsan iyo dadka danyarta ah.

Jawaabta ATMIS waa mid amaan mudan. Deeqdan ayaa ku soo beegantay xilli cisbitaalku ay gabaabsi yihiin agabkii caafimaad ee muhiimka ahaa. Waad qiyaasi kartaa saameynta ay ku yeelan doonto bukaannadayada” ayuu yiri Cabdifitaax.

Isbitaalka Gobolka Bay oo la aas aasay 1936-dii, waa xarun caafimaad oo ku taal bartamaha magaalada Baydhabo, waxaana uu u adeegaa dadka deggan Bay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed iyo sidoo kale gobolka Gedo ee deriska la ah Jubaland.

Isbitaalku waxa uu bixiyaa adeegyo daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah oo ay ku jiraan qalliin, daryeelka hooyada, daryeelka caafimaadka carruurta, nafaqeynta, daaweynta bukaan-socodka iyo adeegyada shaybaadhka.

Xaruntan oo ay maamusho maamulka Koonfur Galbeed oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah, ayaa door muhiim ah ka ciyaartaa nidaamka daryeelka caafimaadka ee gobolka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments