Sahan Media Muqdisho: Ciidamada Suudaan ayaa Khamiistii sheegay in ciidamadoodu ay burburiyeen 205 gaari oo dagaal iyo 17 gaari oo xamuul ah, isla markaana ay soo rideen afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo ay leeyihiin xoogagga sida gaarka ah u tababaran ee Rapid Support Forces (RSF), intii lagu jiray qeybtii hore ee bishan.
War-saxaafadeed ka soo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in ciidamada iyo kooxaha xulafada la ah ay gaareen “guulo dhanka dagaalka ah” oo ka dhan ah RSF dhowr jiho, oo ay ku jirto dib ula wareegidda magaalada Kurmuk ee gobolka Blue Nile ee koonfur-bari Suudaan.
Waxaa lagu xusay in hawlgallada milatari ee ka dhanka ah kooxda fallaagada ah ay horseedeen burburinta 205 gaari oo dagaal iyo 17 gaari oo xamuul ah oo siday qalab milatari, qabashada 21 gaari oo dagaal, iyo soo rididda afar diyaaradood oo nooca FH-95 ah intii u dhaxaysay 1-dii ilaa 15-kii Juun.
Waxaa la sheegay in 76 gaari oo dagaal iyo 17 gaari oo xamuul ah lagu burburiyay Darfur, halka Koonfurta Kordofan lagu burburiyay 19 gaari, tiro badan oo xubnaha RSF ahna lagu dilay.
“Ciidanku waxay sidoo kale burburiyeen 54 gaari oo dagaal, waxayna soo rideen 3 diyaaradood oo nooca FH-95 ah, iyagoo dilay tiro badan oo xubnaha RSF ah Waqooyiga Kordofan, halka diyaaraddii afraadna lagu soo riday gobolka White Nile,” ayay ciidamadu sheegeen.
Milatariga ayaa ballan-qaaday inay sii wadi doonaan weerarrada ka dhanka ah RSF ilaa laga soo celinayo amniga iyo xasilloonida dalka oo dhan.
Ma jirin wax jawaab degdeg ah oo ka timid kooxda RSF oo ku saabsan hadalka ciidamada.


