Sahan Media Muqdisho: Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa sheegay in 18 May 2026, ay noqon doonto billowga bisha Dul-Xijjah.
Sida lagu sheegay war ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA), maxkamaddu waxay sheegtay in xujeyda gudanaya Xajka ay istaagi doonaan Carafo Talaadada, May 26, oo ku beegan 9-ka Dul-Xijjah, halka Ciidul-Adxaa ay bilaaban doonto maalinta xigta oo ah Arbacada, May 27.
Maalinta Carafo waxaa loo arkaa tan ugu muhiimsan ee Xajka sanadlaha ah, iyadoo malaayiin Muslimiin ah ay ku kulmaan Buurta Carafo oo u dhow magaalada barakeysan ee Maka si ay u tukadaan.
Ciidul-Adxaa, oo ka mid ah ciidaha ugu muhiimsan Islaamka, waxay xusaysaa diyaar garowgii Nabi Ibraahim ee uu u hurayay wiilkiisa isagoo u hoggaansamaya amarka Ilaahay, ka hor inta uusan Ilaahay u bixin wan uu ku beddelo, sida ku cad dhaqanka Islaamka.
Ciidda waxaa lagu asteeyaa soo dhawaynta salaado jamaaco ah, kulamo qoys, iyo gawraca xoolaha, iyadoo hilibka si dhaqameed loogu qaybiyo qaraabada, asxaabta, iyo dadka baahan.
Maamulka Sucuudiga ayaa hirgeliyay xaddidaad da’da ah oo adag oo lagu soo rogay xujayda Xajka, iyaga oo ka mamnuucay carruurta ka yar 15 sano inay ka qayb‑galaan xajka sannadlaha ah, laga bilaabo xilliga Xajka 2025 isla markaana sii soconaya ilaa Xajka 2026.
Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in go’aankan loo qaatay sidii loo hubin lahaa ammaanka iyo maareynta tirada dadka inta lagu guda jiro xajka, kaas oo ay ka soo qaybgalaan malaayiin cibaadaysanaya oo ka kala yimaada daafaha dunida.
“Carruurta ka yar 15 sano waxaa loo arkaa kuwo aad u nugul oo aan u adkeysan karin culayska jireed iyo khataraha ku xeeran xajka,” ayay wasaaraddu tiri, iyada oo xustay walaacyada la xiriira daal, fuuqbax iyo shilal ka dhaca goobaha aadka la isugu ciriiriyo.
Xaddidaaddan ma khusayso Cumrada, taas oo weli u oggolaanaysa carruurta yaryar inay ka qaybgalaan, inkastoo xadeyn xilliyeedyo la saari karo marka ay jiraan waqtiyo gaar ah oo ciriiri uu jiro.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbeddello ballaaran oo lagu doonayo in lagu hagaajiyo nidaamka iyo badbaadada xajka, kaas oo weli ka mid ah kulannada ugu waaweyn ee sanadle ah ee dadku ku kulmaan caalamka.


