Google search engine
HomeSportCiyaaryahan u dhashay Konfur Afrika oo lagu dilay afduub

Ciyaaryahan u dhashay Konfur Afrika oo lagu dilay afduub

Sahan media Muqdisho: Laacibkii hore ee da’da yar ee Koonfur Afrika Luke Fleurs, una ciyaari jiray naadiga ugu caansan dalkaas ee Kaizer Chiefs, ayaa lagu dilay isku day afduub oo ka dhacay magaalada Johannesburg, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliiska.

Marxuumka oo 24-sano jir ahaa ayaa habeenimadii Arbacada waxaa xabad looga dhuftay wadnaha isagoo taagan Kaalin Shidaal, waxaana kooxihii dilka geystay ay la dhaqaaqeen gaari uu watay.

“Markii uu sugayay in uu u adeego kaaliyaha batroolka, waxaa ka horyimid laba nin oo hubeysan,” afhayeenka bilayska Lieutenant Colonel Mavela Masondo ayaa u sheegay warfidiyeenka Khamiistii, isaga oo intaa ku daray in aan wali la soo qaban.

Daafaca dhexe ee Fleurs ayaa daqiiqad kasta u ciyaarayay South Africa ciyaarihii xagaaga ee Olombikada Tokyo ee 2021, isla sanadkaas ayaa loogu yeeray xulka sare ee isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaareen Itoobiya, inkastoo uusan ka soo kicin kursiga keydka oo uusan ciyaarin.

“Waxaan ku soo toosnay warka naxdinta leh ee dhimashada nolosha ciyaartoygan. Tani waxay khasaare weyn u tahay qoyskiisa, asxaabtiisa, iyo guud ahaan kubada cagta. Dhammaanteen waan ka xunnahay geerida wiilkan da’da yar,” guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Koonfur Afrika Danny Jordaan ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Wasiirka Isboortiga, Farshaxanka iyo Dhaqanka ee Koonfur Afrika, Zizi Kodwa ayaa sheegay “in uu aad uga xun yahay in weli nolol kale loo gaabiyay dambiyo rabshado wata”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments