Google search engine
HomeWararka MaantaGobolka Banaadir maxaa kala gudboon suuqa bakaaraha iyo gubashada soo noqnoqonaysa?

Gobolka Banaadir maxaa kala gudboon suuqa bakaaraha iyo gubashada soo noqnoqonaysa?

Sahan media Muqdisho: waxaa la soo warinayaa qasaarooyin kala duwan oo ka dhashay dab maanta qabsaday suuqa Bakaaraha.

Dabkan oo ka billowday qaybta bagaashka lagu iibiyo ee u dhexeysa Dahablaha iyo Khaliifa ayaa si dakhso leh ugu faafay isagoo dhul baaxad leh ku faafay, halkaas oo ay ku hanti beeleen dad u badan ganacsatada dharka iyo kabaha iibiya.

Illa hadda lama shaacin sababta ka dambeysey dabkan oo ah kii labaad oo ka kaca suuqa ugu weyn dalka muddo bil gudaheed ah. Laakiin sida uu qabo Xasan Xoogsade oo ah Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatda suuqa Bakaaraha, waxaa jira gaabis dhanka Gobolka ah.

Guddoomiye Xoogsade ayaa eedda dusha ka saaray Dowladda Hoose, gaar ahaan maamulka degmada suuqu ku yaal oo ka gaabiyey fulinta siyaasado wax ka taraya bedqabka suuqa.

Dabka saaka ka kacay Bakaaraha ayaa ku soo aaday xilli suuqa uu ka jiro mashquul ka dhashay dadweyne badan oo munaasibadda Ciidda darteed illaa habeenkii saqdhexe halkaas ka dukaameystaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments