Sahan Media Muqdisho: Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti ayaa sheegay in, kaddib dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta Iran ay taageerto, ku dhowaad 1,400 qof ay Yemen uga soo qaxeen Jabuuti 24 saacadood gudahood. Elias Moussa Dawale ayaa bartiisa X ku qoray in dadkaasi ay Jabuuti ku gaareen iyagoo ka gudbay marin-biyoodka Bab al-Mandab.
Safia Ibrahim, oo ah isku-duwaha arrimaha bani’aadantinimada ee Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), ayaa sheegtay in haween iyo carruur ay ka mid ahaayeen kooxaha nugul ee soo gaaray xeebaha Obock ee Jabuuti, isla markaana la filayo in dad intaas ka badan ay dalka soo gaaraan maalmaha soo socda.
Sida laga soo xigtay tirakoobka Qaramada Midoobay, ugu yaraan 76,000 qof ayaa gudaha Yemen ku barakacay tan iyo bishii July, halka tirada dadka barakacay ay afar jibbaarantay toddobaadkii la soo dhaafay sababo la xiriira dagaallada dib uga soo cusboonaaday.
Xuutiyiintu toddobaadkii hore waxay qaadeen weerar cusub oo ka dhan ah ciidamada dowladda Yemen ee uu taageero Sacuudigu, iyagoo bartilmaameedsaday deegaanno ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab. Maalmihii u dambeeyay ayay xeebaha dhanka koonfureed u sii dhaqaaqeen, iyagoo Khamiistii qabsaday magaalada dekedda ah ee Mokha.
Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh,tan iyo markaas, xuutiyiintu waxay la wareegeen gacan-ku-haynta xeebaha Yemen iyo jasiiradaha ku yaalla Badda Cas, halka Jimcihii ay sii ballaariyeen gacan-ku-hayntooda marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ah marin muhiim u ah isu-socodka maraakiibta caalamiga ah ee ku wajahan Badda Cas iyo Kanaalka Suweys.
Bab al-Mandab ayaa noqday mid muhiimad dheeraad ah yeesha, gaar ahaan dhoofinta shidaalka Sacuudiga, kaddib markii Iran ay xirtay marin-biyoodka Hormuz.


