Ciidanka Iran ayaa bayaan ay baahiyeen warbaahinta gudaha ku sheegay in xarumo iyo saldhigyo uu Maraykanku ku leeyahay dalka Baxreyn lagu bartilmaameedsaday weerarro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn.
Sahan Media Muqdisho: Sida lagu sheegay bayaanka, weerarka ayaa ahaa jawaab laga bixiyay waxa Iran ku tilmaantay “falalka cadowtinimo ee lagu beegsaday kaabeyaasha magaalooyinka iyo shacabka aan waxba galabsan.”
Ciidanka Iran ayaa sheegay in wejigii 11-aad ee howlgalka, ay ku bartilmaameedsadeen diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo diyaaradaha sahan ee P-8 ee ciidamada Maraykanka ku leeyihiin saldhigga Sakhir ee Baxreyn, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee Arash.
Saacado ka hor, dowladda Baxreyn ayaa ku dhawaaqday in dalka laga maqlay seeriga digniinta, waxayna shacabka ugu baaqday inay u dhaqaaqaan goobo ammaan ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee weeraradi xalay ka dhacay Iran
Qaraxyo ayaa laga maqlay qaybo badan oo ka tirsan Iran, oo ay ku jiraan gobollo ka fog Gacanka Khaliijka, iyadoo Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) uu ku dhawaaqay inuu qaaday wareeg kale oo weerarro ah.
Waa kuwan bartilmaameedyada la soo sheegay:
Ahvaz, Qeshm, Bushehr, Dashti, Bostan, Sirik iyo Bandar-e Lengeh: Waxaa la soo sheegay qaraxyo ka dhacay magaalooyinka iyo jasiiradaha ku yaalla xeebaha koonfureed, kuwaas oo sababay burbur ku yimid kaabayaasha oo aad uga ballaaran kii habeenadii hore.
Bandar e-Khamir: Labo buundood oo u dhow magaalada ayaa la garaacay.
Bandar Abbas: Xaafadda Tapeh Allah Akbar ayaa la bartilmaameedsaday, iyadoo sidoo kale la soo sheegay qaraxyo kale oo ka dhacay qaybo kala duwan oo magaalada ah.
Gobolka Hormozgan: Waxaa la bartilmaameedsaday kaabayaasha waddooyinka iyo tareennada.
Iranshahr: Garoonka diyaaradaha ee magaaladan ku taal koonfur-bari ayaa la weeraray, taas oo sababtay burbur soo gaaray xarunta iyo go’itaan koronto.
Jasiiradda Kish: Waxaa la soo sheegay duqeymo dhanka hawada ah oo ka dhacay jasiiradda, kuwaas oo sababay in korontadu ay si ku-meel-gaar ah u go’do qaybo ka mid ah.
Caasimadda Tehran, nidaamyada difaaca cirka ayaa la hawlgeliyay, halka magaalada Ahvaz, oo ku taalla waqooyiga Gacanka Khaliijka, warbaahinta Iran ay sheegtay in isbitaal laga daadgureeyay kaddib markii gantaallo ay ku dhaceen meel u dhow.
Dhanka kale, Iran ayaa sheegtay inay ka jawaabtay weerarrada, iyadoo caddeysay in ay diiradda saarayso burburinta kaabeyaasha iyo saldhigyada militari ee Maraykanku ku leeyahay gobolka.
Sidoo kale, dowladda Kuwait ayaa sheegtay inay ka hortagtay waxa ay ku tilmaamtay “weerarro ay fuliyeen diyaarado aan duuliye lahayn.”


