sahan media Muqdisho: Faahfaahinno ay bixisay dowladda Somalia ayay ku sheegtay in inkabadan 30 Shabaab ah lagu dilay howl-gal ay iska kaashadeen ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo si gaar ah uga dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howl-galkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta maleeshiyaad Shabaab ah oo isku aruursanayay deegaannadaasi, kuwaasi oo waday abaabul ay ku dhakrayaan shacabka Soomaaliyeed.
Howl-galka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale dhagar qabayaal kale oo ku dhaawacmay howl-galladan ayay Shabaabku geeyeen deegaannada Farsoolay iyo Buulo Fulay.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad-celinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan ciidanka qalabka sida,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.
Si kastaba, ciidanka qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu dambeeyay Al-Shabaab ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Sh/Hoose, oo xubnaha kooxda dooneysay inay si dhuumaalaysi ah u soo galaan.