Google search engine
HomeWararka MaantaDeeq lasoo gaarsiiyay Dowladda Soomaaliya

Deeq lasoo gaarsiiyay Dowladda Soomaaliya

Sahan media Muqdisho: Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa khamiistii 1,300 oo tan oo cunto gargaar ah ugu deeqday hay’adda musiibooyinka qaranka ee dalka taasoo qaadaysa tillaabooyin horudhac ah oo lagu yareynayo saameynta roobabka daba dheeraaday ee dalka ku soo wajahan.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa hay’adda ka hortagga masiibooyinka Soomaaliya ee (SODMA) ku wareejiyay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang Yu, kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Intii ay socotay xafladda, Wang waxa uu muujiyay sida ay dowladda Shiinaha uga go’an tahay inay taageerto shacabka Soomaaliyeed xilliyada adag, gaar ahaan odoroska abaaraha La Nina ee soo socda.

“Tani waxay ka tarjumeysaa dadaallada joogtada ah ee Shiinaha uu ku caawinayo Soomaaliya xaalado la mid ah waqtiyadii la soo dhaafay,” ayuu Wang ku yiri bayaan ay soo saartay SoDMA.

Mahamud Moallim, ayaa sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo muwaaddiniinta Shiinaha iyo dawladdaba kaalmada qiimaha leh ee ay siiyeen. Waxa uu sheegay in deeqdan ay wax badan ka tari doonto malaayiinta Soomaaliyeed ee haatan ay soo food saartay cunto yari aad u daran oo ay ugu wacan tahay abaaro iyo fatahaado isdaba joog ah oo aan kala joogsi lahayn.

Gargaarka cunnada ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah iyadoo Soomaaliya ay weli ka mid tahay dalalka ay sida aadka ah u saameeyeen isbeddellada cimiladu, iyadoo ay soo noqnoqdeen masiibooyinka dabiiciga ah oo si weyn u naafeeyay wax soo saarka beeraha, isla markaana ay sare u sii qaadayaan dhibaatada gaajada, sida ay sheegtay SoDMA.

Saadaasha Oktoobar-Noofambar-December waxay muujinaysaa suurtagalnimada sare (in ka badan 50 boqolkiiba ixtimaalka) ee roobabka caadiga ah ka hooseeya, oo ay wataan xaaladaha AL Nina, waxaana jirta in ka badan 60 boqolkiiba suurtagalnimada dib u dhac ku yimaada roobabka koonfurta iyo bartamaha dalka, sida ay sheegtay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments