Sahan media Muqdisho: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure, Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe Axmed Mayre Makraan ,wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen biya xireenka Sabuun ee duleedka Magalaada Jowhar.
Biyo xireenka Sabuun oo burbur xoogle ka muuqdo ayaa Sanadihii la soo dhaafay helin wax dayactir ah, iyaga oo masuuliyiintaan ay kormeeren qayabaha kala duwan ee biya xireenka, ayaa wali ka muuqataa saameyntii ka soo gaartay Fatahaadii El-Niño ee sanadkii 2024.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan dib u dayactirka kanaalkan iyaga oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu saameeyo, waxaana Guddoomiyaha uu intaas ku daray in si kahortag loo sameeyo loo bahan yahay in la habeeyo biya xireennada iyo goobaha biya mareennada ah.