Sahan Media Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa wadahadalo gooni gooni ah maanta oo Axad ah khadka taleefanka kula yeeshay dhiggiisa Qatar iyo Sacuudiga.
Telefishinka qaranka Iran ayaa sheegay in wadahadalka Araghchi uu la yeeshay Sheikh Mohammed bin Abdulrahman iyo Prince Faisal bin Farhan ay ku qotomeen horumarka gobolka iyo dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu doonayo in xabad joojin laga dhex sameeyo Tehran iyo Washington.
Intii lagu guda jiray xiriiradan telefoonka ah, Araghchi wuxuu uga warbixiyay labada wasiir hindisayaasha diblomaasiyadeed ee Iran si loo dhammeeyo dagaalka loona yareeyo xiisadda.
Warfidiyeenka ayaa sheegay in saddexda dhinac ay ku nuuxnuuxsadeen muhiimada ay leedahay in wadamada gobolka ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan maaraynta xasaradaha waxayna carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la joogteeyo xiriirka si loo taageero dadaalada nabada loona hormariyo xasiloonida.
Sheekh Maxamed, ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Qatar ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dadaallada dhex dhexaadinta. Sidoo kale Araghchi iyo Amiir Faysal waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dadaallada dublamaasiyadeed ee socda ee lagu doonayo in xabbad-joojin laga sameeyo gobolka.
Xiriirkan ayaa yimid iyadoo dublamaasiga ugu sarreeya Iran uu Axaddii dib ugu laabtay Pakistan ka dib markii uu wadahadal ku yeeshay Cumaan.
Araghchi wuxuu booqday Islamabad Jimcihii halkaas oo uu kala hadlay mas’uuliyiinta Pakistan suurtagalnimada wadahadalka labaad ee Washington.
In kasta oo ay socdaan dadaallo loogu jiro wareeg kale oo wada-hadallo ah, haddana qodobbada qaar ayaa lagu sheegay in ay yihiin marin-biyoodka Hormuz, go’doominta Mareykanka ee dekedaha Iran, iyo Yuraaniyaamka Iran ee tayeysan.


