Sahan media Muqdisho: Diyaarad xamuul ah oo ay leedahay shirkadda FedEx ayaa Arbacadii sanka kaga soo degtay garoonka Istanbul sababo la xiriira qalabkii ay ku degi lahayd oo ciladoobay.
Diyaaradda FedEx Airlines Boeing 763 ee xamuulka ah, ee ka shaqeysa marinka Paris-Istanbul, ayaa ogolaansho deg deg ah ka codsatay munaaradda laga hago garoonka Istanbul ka dib markii lugta hore ay ku degi lahayd ay ku guuldareystay in uu furmo.
Madaarku waxa uu qaaday tallaabooyin lagama maarmaan ah si loo soo dejiyo, waxaana kooxaha gurmadka iyo dab-damiska garoonka loo diray dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan.
Shaqaalihii kabiinka ayaa si nabad ah u daadgureeyay diyaaradda iyadoo aysan jirin wax dhaawac ah.
Diyaaradda ayaa ku degtay Runway 16R ee garoonka Istanbul, kaasoo hadda ka xiran duulimaadyada.
Waxaa socday dadaallo lagu doonayay in diyaaradda looga soo dejiyo dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan, iyadoo ay socdaan baaritaannada shilkan.
“Garoonka diyaaradaha ee Istanbul waa mid ka mid ah garoomada ugu dhameystiran uguna aqoonta badan caalamka, marka, hakad ku yimaada dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan wax saameyn ah kuma yeelanayaan duulimaadyada, duullimaadyadu waa sii socdaan” ayuu yiri guddoomiyaha Istanbul Davut Gul.