Sahan media Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay La-taliyaha sare ee dhaqaalaha.
Xilkan ayaa waxaa loo magacaabay Dr Aweys Cabdullaahi Cali, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Aweys Cabdullaahi ayaa sidoo kale ah agaasimaha waaxda qorsheynta dhaqaalaha ee xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.
La-taliyahan cusub ayaa qeyb ka noqonaya la-taliyeyaal dhowr ah oo horey u magacaabay ra’iisul wasaaraha, xilli qaarkood ay dood xooggan dhaliyeen, maadaama ay jiraan wasaaraddo ku shaqo leh arrimaha loo magacaabay.
Balse dadka ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay tallaabo horay loogu qaaday ilaalinta dhaqaalaha.