Google search engine
HomeWararka MaantaXasan iyo Ismael oo ka wada hadlay xaaladda Gobolka

Xasan iyo Ismael oo ka wada hadlay xaaladda Gobolka

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay oo Arbaca galinki dhanbe qaabilay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Boqoshadan madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Jabuuti ayaa ku soo beegmaysa xili uu shirar dhowr ah kaga qayb-galay dalalka dibadda sida Norway, Switzerland iyo Turkiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa wehliyay wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo halka uu marayo iskaashiga labada dal iyo labada shacab sida lagu yiri war kaso baxay madaxtooyaada Jabuuti.

Safarkan madaxweynaha Soomaliya ayaa sidoo kale ku soo aadaya xilli ay dowladda Soomaaliya dhowaan ku guuleysatay kursiga QM ee xubinta aan joogtada ahayn, iyo xilli uu taagan yahay muranka Itoobiya iyo Soomaaliya ee heshiiskii is afgarad ee horraantii sanadkan dhex maray Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanid augu dhawaaqday ee Somaliland

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments