HomeWararka MaantaTurkiga iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis difaac oo wadajir ah

Turkiga iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis difaac oo wadajir ah

Sahan Media Muqdisho: Turkiga iyo Qatar ayaa saxiixay heshiis difaac oo wadajir ah, ka dib kulan dhex maray Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, kaas oo Jimcihii ka dhacay magaalada Istanbul.

“Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay inaan sii wadi doonno wadashaqeynta si looga hortago in dagaal mar kale ka qarxo gobolka Khaliijka, loona dhiso aasaas wada-hadal iyo in la gaaro nabad,” ayaa lagu yiri bayaan ay Madaxtooyada Turkigu ku daabacday baraha bulshada ee X.

Xafiiska Erdogan ayaa sheegay in heshiisku uu “wajhi cusub ku soo kordhin doono xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Qatar”, halka Amiirka Qatar uu heshiiska ku tilmaamay “is-kaashi istiraatiiji ah”.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ee X, Sheekh Tamim wuxuu ku sheegay in wadahadalladii uu la yeeshay Madaxweyne Erdogan ay kaga hadleen “sida loo sii horumarin karo waxyaabihii horey loo gaaray, loona qeexi karo mudnaanta tallaabooyinka wadajirka ah ee la qaadi doono muddada soo socota”.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Amiirka (Amiri Diwan) ayaa lagu sheegay in labada dowladood ay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah, oo ay ku jirto heshiis is-faham oo ku saabsan “is-kaashiga dhinacyada nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xallinta khilaafaadka”.

Isagoo la hadlayay telefishinka Al Jazeera, falanqeeyaha arrimaha amniga Yusuf Alabarda ayaa sheegay in tan iyo markii uu billowday dagaalka Iiraan, dalalka gobolka “ay dareemayaan saameynta dagaalka, isla markaana aysan jirin cid dareemaysa ammaan”.

“Dhammaan dalalka Khaliijka, gaar ahaan Qatar, waxay fahmeen in dammaanadaha amniga ee ay ka haysteen Mareykanka aysan si habboon u shaqeynayn. Ciidamada Turkiga ee jooga Qatar waa kuwo aad muhiim u ah, waxaana dhihi karaa mustaqbalka dhow waxaa laga yaabaa in Qatar la geeyo hubka Turkiga iyo nidaamyada difaaca hawada si loo xaqiijiyo amnigeeda—taas oo aad muhiim ugu ah Turkiga—sidaas darteed heshiiskani wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarinta heshiisyadan dhanka milatariga ah,” ayuu yiri Alabarda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments