HomeWararka MaantaXuutiyiinta oo weerartay kaabayaasha shidaalka Sacuudiga

Xuutiyiinta oo weerartay kaabayaasha shidaalka Sacuudiga

Sahan Media Muqdisho: Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay bartilmaameedsadeen kaabayaasha shidaalka iyo goobo militari oo ku yaalla Sacuudiga.

Afhayeenka milatariga kooxda Ansar Allah ee Xuutiyiinta, Yahya Sari, ayaa sheegay in ciidamadoodu diyaarad aan duuliye lahayn ku weerareen xarunta toddobaad ee shidaalka ku shubta dhuumaha waaweyn ee shidaalka Sacuudiga ee isku xira bariga iyo galbeedka dalka.

Waxa kale oo uu sheegay in gantaal ballistic ah lagu bartilmaameedsaday xarun shidaal oo ku taalla magaalada Yanbu, oo ku dhow xeebta Badda Cas.

Bayaan kale oo ay soo saareen Xuutiyiinta ayay ku sheegeen in diyaarad Drone ah ay weerartay xarun shidaal oo ay leedahay shirkadda Aramco, taas oo ku taalla magaalada Riyadh.

Dhanka kale, afhayeenka isbahaysiga milatari ee Sacuudigu hoggaamiyo, Turki Al-Maliki, ayaa sheegay in ciidamada isbahaysigu ku guuleysteen inay hawada ku qabtaan kuna burburiyaan laba diyaaradood oo aab=n duuliye lahayn oo ku kala sugnaa magaalada Riyadh iyo gobollada bariga dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments