HomeWararka MaantaIiraan oo sheegtay inay bartilmaameedsatay raadaar Maraykanku ku leeyahay Baxrayn

Iiraan oo sheegtay inay bartilmaameedsatay raadaar Maraykanku ku leeyahay Baxrayn

Sahan Media Muqdisho: Bayaan ay maanta Jimcae ah baahiyeen wakaaladaha wararka dowladda Iiraan, ayay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ku sheegeen inay “bartilmaameedsadeen oo burburiyeen” raadaar digniin hore ah oo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Baxrayn, iyagoo jawaab uga dhigaya duqeyn cirka ah oo Maraykanku fuliyay saqdii dhexe.

“Arrintani waa digniin culus oo loo dirayo cadowga, si uu u joojiyo duqeymaha cirka iyo shidaal tahriibinta ee ka socota Marinka Hormuz,” ayaa lagu yiri bayaanka Ilaalada Kacaanka.

Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale sheegtay in haddii cadowgu ku celiyo xadgudubyada iyo gardarrada, Ciidanka Cirka iyo Hawada Sare ay heegan buuxa ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen.

Waxay intaas ku dareen in shirkadaha ku xadgudba digniintan ay wajihi doonaan tallaabooyin adag.

Dhowr saacadood ka hor, wakaaladaha wararka Iiraan ayaa soo sheegay duqeyn cirka ah oo ka dhacday deegaanka Sirek, taas oo Ilaalada Kacaanku xaqiijiyeen inay lala beegsaday taawar isgaarsiineed oo ku yaalla aagga xeebaha Gacanka Faaris.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments