Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa 10-kii bishan magaalada Asmara ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, kulan naadirka ah oo saddex geesood ah, kaasoo ay saddexda hoggaamiye kaga wada hadleen sidii looga hortagi lahaa faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka iyada oo marmarsiinyo ama cudurdaar kasta”, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo la daabacay shirwaynaha ka dib.
Waxay sidoo kale ku heshiiyeen “in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-dubbaridka” si “kor loogu qaado awoodda hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya”, taasoo awood u siinaysa Soomaaliya inay “ka hortagto argagixisada nooc kasta oo ay tahay, ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda, ayna ilaaliso wadajirkeeda dhuleed”.
Shir madaxeedkan ayaa yimid ka dib bilo ay xurguf u dhaxaysay saddexda dal iyo Itoobiya. Xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ahaa mid hoos u dhacay tan iyo bishii January, markaas oo Itoobiya ay heshiis is-afgarad ah la gashay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.
Itoobiya waxay soo bandhigtay inay aqoonsato madax-banaanida dhulka ka go’ay Soomaaliya, haddii ay ka kireysato qayb ka mid ah xeebaheeda oo ay Itoobiya ka samaysan karto saldhig ciidan, taas oo ka caraysiisay Soomaaliya, maadaama ay Somaliland u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.
Masar ayaa markaas ka faa’iidaysatay murankaas fursad ay ku cadaadiso Itoobiya, iyadoo muddo dheer ay isku haysteen biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) oo ah biyo-xireenka Niilka Buluuga ah oo ay Qaahira u aragto inuu khatar ku yahay biyaha dalkeeda.
Kaddib markii ay Soomaaliya heshiis iskaashi milateri la saxiixatay bishii Agoosto, Masar waxay Muqdisho u soo dirtay laba kayd oo hub ah. Sidoo kale waxa ay soo bandhigtay fikradda ah in ciidamo la keeno Soomaaliya si ay badal ugu noqdaan kumanaanka askari ee Itoobiyaanka ah ee haatan halkaasi u jooga la dagaalanka Al-Shabaab.
Soomaaliya ayaa ku hanjabtay in ay dalka ka saari doonto dhammaan ciidamada Itoobiya dhamaadka sanadkan haddii aan la burin heshiiskii is-afgaradka ahaa ee S/land.