Sahan Media Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka horyimid go’aanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee lagu cayimay taariikhaha doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya ee sannadka 2027.
Farmaajo ayaa cambaareeyay go’aanka guddiga, isaga oo ku tilmaamay mid hal dhinac ah, isla markaana ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu doonayo in dalka laga qabto doorasho aan heshiis siyaasadeed lagu ahayn.
Guddiga doorashada ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray wuxuu ku sheegay in doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka la qaban doono 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha loo asteeyay 15-ka May 2027.
Hase yeeshee, Farmaajo ayaa sheegay in go’aannada noocan ah aan lagu gaari karin hannaan hal dhinac ah, isaga oo ku dooday in ka maqnaanshaha heshiis ay dowlad-goboleedyada iyo mucaaradku qayb ka yihiin ay halis gelin karto hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Wuxuu ka digay in khilaafka doorashooyinku uu horseedi karo doorashooyin isbarbar socda iyo dagaallo sokeeye, isaga oo ku baaqay in dib loo ambaqaado wada-hadallada si loo helo hannaan doorasho oo loo dhan yahay.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dowlad-goboleedyada, siyaasiyiintii hore iyo mucaaradka inay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan xal u helidda khilaafka, halka uu beesha caalamka ka dalbaday inay sii waddo dadaallada dhexdhexaadinta.


