HomeWararka MaantaGuddi loo xil saaray arrinta general Jimcaale taliyaha Qaybta 54aad iyo Puntland

Guddi loo xil saaray arrinta general Jimcaale taliyaha Qaybta 54aad iyo Puntland

Sahan Media Muqdisho: Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ee fadhigoodu yahay ceelka Ligle ee duleedka Magaalada Garoowe Jimcaale Jaamac Takar, ayaa muddo asbuuc ah ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.

Jimcaale Jaamac Takar, oo ka soo kicitimay Magaalada Muqdisho ayaa ku hakaday Laascaanood kadib amar ka soo baxay Dowladda Puntland oo lagu joojiyey inuu soo galo Magaalada Garoowe, xilli ay soo baxayeen in xil sare looga magacaabay taliska ciidanka Dowladda Somalia.

Dowladda Puntland ayaa mamnoocday inay deegaamadeeda u kala gooshaan ciidamada, saraakiisha iyo siyaasiyiinta xilalka kahaya Dowladda Federalka ah ee Somalia, tallaabadaasi oo saamaysay Jimcaale kadib markii la sheegay in loo magacaabay Taliyaha qaybta 54aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Tallabadaan ayaa xiisad ka abuurtay Magaalada Garoowe, iyadoo ciidanka taabacsan ay doonayeen inay xoog ku soo geliyaan Magaalada halka taliska guud ee ciidanka ammaanka Puntland ku wargeliyey inuusan imaan karin isla markaana uu la xuquuq yahay shaqsiyaadka kale ee xilalka kahaya dowladda Somalia.

Guddi ka socda bulshada gobolka Nugaal oo dhawaan la kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku wargeliyey Jimcaale inuusan soo dhaafin Laascaanood ilaa amar dambe, waxaana guddigu ay booqdeen taliska Ligle iyo qaar kamid ah xeryaha ciidanka Dowladda ee ku yaalla Magaalada Garoowe, si loo yareeyo xiisad abuuri karta dagaal ka dhaca Magaalada caasimadda ah.

Guddi ka kooban 13 xubnood oo Khamiistii booqday Madaxtooyada ayaa Madaxweyne Deni u sheegay in Jimcaale haddii uu xaqiijiyo inuusan xil ka hayn DFS uu imaan karo Garoowe, taasi oo dhinacyadu isla qaateen sida ay xubno guddiga katirsan xaqiijiyeen.

Xubnaha guddigaan ayaa gaarey Magaalada Laascaanood oo ay kula kulmeen Jimcaale, iyagoo ka dalbaday inuu iska beri yeelo jiritaanka xilka Taliyaha qaybta 54aad, taasi oo noqotay arrin aad u adag uusanna weli ku raacin sida warar hoose xaqiijinayaan.

Guddigaan ayaa ka cabsi qaba in marka ay Jimcaale keenaan Garoowe ay soo baxdo warqaddiisa magacaabistu, taasi oo ay dowladdu markii hore uga digtey kuna adkaysay inaan la aqbali doonin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments