HomeWararka MaantaHezbollah iyo Isrllll oo ku heshiiyey xabbad joojin si loo saxiixo heshiiska...

Hezbollah iyo Isrllll oo ku heshiiyey xabbad joojin si loo saxiixo heshiiska USA iyo Iran

Sahan Media Muqdisho: Hezbollah iyo Israel iyo ayaa ku heshiiyey xabad joojin dhaqan gali doonta 4-ta galabnimo ee wakhtiga maxaliga ah (1300GMT) Jimcaha, sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa xaqiijiyay si loo saxiixo heshiiska Iran iyo Maraykanka, sargaalku ma uusan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan heshiiska.

Ku dhawaaqista xabbad joojinta ayaa timid ka dib markii ugu yaraan 47 qof ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo isdaba joog ah oo diyaaradaha Israa’iil ka geysteen koonfurta Lubnaan tan iyo horraantii Jimcihii. Afar askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale lagu dilay weerar ay Xisbullah ku qaadeen koonfurta Lubnaan.

Fiidnimadii Arbacada, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa si elektaroonig ah ku saxiixday Islamabad Memorandum of Understanding kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka u dhaxeeya Mareykanka, Israel iyo Iran iyo joojinta weerarada Israel ee Lubnaan.

‘Waa inaad isdejisaa mararka qaarkood oo madaxaaga isticmaal’ ayuu ku tiri Trump oo khadka taleefoonka kula hadlay warbaahinta NBC News oo uu u sheegay in uu la hadlay mas’uuliyiinta Israa’iil horraantii Jimcihii oo uu ka codsaday inay ku heshiiyaan xabbad joojin ay la galaan Xisbullah.

Ka dib markii uu sii socday dagaalkii habeen hore ee u dhaxeeyay Israel iyo Hezbollah, Trump ayaa u sheegay NBC News in uu “mar walba ku wanaagsanaa” ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

“Waa inaad mararka qaarkood isdejisaa oo madaxaaga isticmaashaa,” ayuu yidhi Trump.

Sida laga soo xigtay tirokoobyada rasmiga ah, duulaanka militariga Israel ee Lubnaan tan iyo 2-dii Maarso ayaa lagu dilay 3,912 qof, waxaana ku dhaawacmay 11,873 kale, waxaana barakacay in ka badan hal milyan oo qof oo degganaa.

Israa’iil ayaa sii wadda in ay qabsato degaanno ku yaalla koonfurta Lubnaan, qaarkood muddo tobanaan sano ah iyo kuwo kale tan iyo colaaddii u dambaysay. Intii lagu guda jiray ololihii milatari ee dhawaa, ciidamada Israa’iil waxay u gudbeen in ka badan 10 kiiloomitir (6 mayl) dhulka Lubnaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments