Google search engine
HomeWararka MaantaHogaamiyayaasha Afrika oo ku riixaya in Bankiga Adduunka uu maalgeliyo la dagaallanka...

Hogaamiyayaasha Afrika oo ku riixaya in Bankiga Adduunka uu maalgeliyo la dagaallanka isbedelka cimilada

Sahan media Muqdisho: Hogaamiyayaasha Afrika oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Isniintii ku booriyay Bangiga Adduunka inuu u qoondeeyo 120 bilyan oo doolar oo lagu maalgelinayo wax ka qabashada caqabadaha horumarineed iyo la dagaallanka isbedelka cimilada ee qaaradda.

Ruto ayaa hormuud ka ahaa baaqa ah in si weyn loo kordhiyo maalgelinta deeqaha ah ee bangiga caalamiga ah ee Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA) si wax looga qabto arrimaha adag ee wajahaya wadamada Afrika.

“Waxaan ugu baaqaynaa la-hawlgalayaashayada inay nala kulmaan xilligan taariikhiga ah ee wadajirka oo ay uga jawaabaan si wax ku ool ah iyagoo kordhinaya tabarucadooda IDA ee $93 bilyan ee la ururiyay 2021 ilaa ugu yaraan $ 120 bilyan 2024,” ayuu yidhi.

“Waxaan baaqan diraynaa anagoo ah madaxda Afrikaanka ah iyo dowladdaba inay ka go’an tahay inaan doorkeena ka ciyaarno annagoo qaadayna tallaabooyin adag oo lagu horumarinayo anshaxa maaliyadda, kordhinta abaabulka dakhliga gudaha, horumarinta siyaasadaha saaxiibtinimada leh ee maalgashadayaasha iyo kor u qaadista tallaabooyinka ka hortagga musuqmaasuqa.”

Ruto waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida muhiimka ah ee loo qabo kheyraad dheeri ah, isaga oo u ololeynaya in la saddex jibaaro awoodda maalgelinta ee IDA oo la gaarsiiyo $279 bilyan marka la gaaro 2030ka.

Tallaabadan, ayuu yidhi, ujeedadeedu tahay in lagu xoojiyo dadaallada lagu kobcinayo kaabayaasha, kor u qaadista horumar waara iyo yaraynta saamaynta isbeddelka cimilada.

Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay sida degdega ah ee loo abaabuli karo agabka lagu taageerayo ajendaha horumarinta Afrika, isaga oo intaa ku daray “Afrika ma ahan oo kaliya maalgelin, balse waa iskaashi adag oo horumar lagu gaaro”.

Waxaa ka mid ahaa madaxweynayaasha Uganda, Tanzania, Burundi, Ghana, Malawi, Sierra Leone, Comoros, Mauritania, Central African Republic, Madagascar iyo Somalia.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Guinea iyo Aljeeriya iyo Madaxweynaha Kooxda Bangiga Adduunka Ajay Banga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments