Sahan media Muqdisho: Hogaamiyayaasha Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ku kulmay magaalada Asmara shir saddex geesood ah oo ay uga hadlayaan xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika.
Welwelka laga qabo ammaanka iyo xasilloonida deegaankan kacsan ayaa isa soo tarayay tan iyo markii Itoobiya ay bishii January heshiis muran badan dhaliyay la gashay maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Somaliland, kaasoo muddo dheer raadinayey inuu galo badda.
Heshiiskii badda ayay Muqdisho ka carootay, wuxuuna muujiyay loolan ka dhexeeyo labada wadan maadaama uu xumaaday xiriirka Itoobiya, Soomaaliya iyo sidoo kale Masar.
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, Masar C/fataax Al-Sisi iyo Xasan Sheekh Maxamuud Soomaaliya ayaa ku kulmay Asmara, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Maxamuud X oo ay la socdaan sawirrada saddexda hoggaamiye.
Wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shir madaxeedkan diiradda lagu saari doono “xoojinta xiriirka saddexda dal iyo sidoo kale arrimaha ammaanka iyo xasilloonida gobolka”.
Maxamuud, oo dhowr jeer horay u booqday Eritrea, ayaa wada-hadallo gooni-gooni ah la yeeshay Isaias wax yar ka dib markii uu gaaray goor dambe oo Arbacadii ahayd, ayay wasaaraddu sheegtay.
Waxay ka wada hadleen baahida loo qabo xoojinta iskaashiga “hawlaha culus ee ilaalinta madaxbannaanida dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya; taas oo weli shardi u ah horumarkeeda oo ka soo horjeeda caqabadaha waaweyn ee labaatankii sano ee la soo dhaafay”, ayaa lagu daray.
Is-afgaradka Addis Ababa iyo Somaliland waxa uu ahaa in Itoobiya oo ka mid ah dalalka ugu waaweyn caalamka ee aan bad lahayn ay Somaliland ka kirayso dhul xeebeed saldhig ciidan iyo dekad.
Laakiin Muqdisho — oo sida beesha caalamka inteeda kale diidan inay aqoonsato Somaliland oo ku dhawaaqday gooni-isu-taagga 1991-kii – waxay ku tilmaantay mid lagu weeraray madax-bannaanideeda dhuleed iyo badba.
Qaahira ayaa sidoo kale muddo dheer ay is- khilaafsanaayeen Addis Ababa, gaar ahaan biyo xireenka weyn ee Renaissance Dam ee Itoobiya ee ku yaal webiga Blue Nile kaas oo ay sheegtay inuu khatar ku yahay bixinta biyaha.
Xafiiska Sisi ayaa sheegay in booqashadiisa ay diiradda ku saari doonto sidii loo dhisi lahaa xiriirka Eritrea iyo in uu wax ka qabto dadaallada lagu dhisayo xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas si ay u taageeraan horumarka iyo u adeegga danaha shucuubta gobolka.
Xidhiidhka Addis Ababa iyo Asmara ayaa sidoo kale beryahan dambe sii xumaanayay, inkasta oo ciidamada Eritrea ay ku taageereen ciidamada dawladda Itoobiya dagaalkii 2020-2022 ee lagaga soo horjeeday fallaagada Tigrayga.
Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in Eritrea aysan ku faraxsanayn heshiiska nabadeed ee Addis Ababa iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), waxayna weli ciidamo ka joogaan qeybo ka mid ah gobolka Tigray.