Sahan Media Muqdisho: waxaa soo gaaray Muqdisho diyaarad siday Halyeeyada Ciyaaraha Qaarada Afrika ee kala ah; Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha.
Ciyaartoydan hore oo ka socday xiriirada kubadda cagta Aduunka, Afrika ee FIFA iyo CAF ayaa Magaaladan u yimid kadib casuumaad ay ka heleen xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed.
Waxa ay qiimeyn ku sameyn doonaan in garoonka Stadium Muqdisho uu qaabili karo ciyaaraha caalamiga ah oo ciyaartoyda Soomaalida marka gurigeeda ciyaar ku leeyihiin ay halkan ku ciyaari karaan, halka hadda dalalka deriska ah ay ku ciyaaraan.
Ciyaartoydan  ayaa inta ay caasimadda ku sugan yihiin la kulmi doonna madaxda sare ee dowladda, waxayna kulan saaxiibtinimo ah kula cayaareen garoonka Muqdisho Stadium xidagaha xulka qaranka Soomaaliya.