Google search engine
HomeWararka MaantaHogaamiyihii ugu sareeyay Daacish ee Soomaaliya ayaa duqayn cirka lagu dilay

Hogaamiyihii ugu sareeyay Daacish ee Soomaaliya ayaa duqayn cirka lagu dilay

Sahan media Muqdisho: Duqayn uu Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii May lala beegsaday hoggaamiyaha ugu sarreeya dawladda Islaamiga ah, balse ma cadda in hoggaamiyahaasi lagu dilay duqayntaas, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah.

Cabdulqaadir Muumin ayay Mareykanku u aqoonsadeen inuu yahay madaxa kooxda Daacish ee Soomaaliya, oo Afrikaan ah oo xiriir la leh kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Bayaan ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu shaaciyay in 31-kii bishan ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen deegaan ka fog fog Waqooyi Bari Soomaaliya, ee xiga Koofurta Gacanka Cadmeed, kaasi oo lagu dilay Saddex Maleeshiyaad ah oo gacan saar la leh Kooxda Daacish. War saxaafadeedka laguma sheegin xog dhab ah oo ku saabsan cidda sida gaarka ah loogu bartilmaameedsaday duqeynta.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in aysan kala cadeyn in hogaamiyaha Daacish lagu dilay duqeynta.

Saddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa ABC News u xaqiijiyey in bartilmaameedka duqaynta uu ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeya dawladda Islaamiga ah ee Soomaaliya oo ay xarunta qaran ee la dagaalanka argagixisada (NCTC) ku sheegtay Muumin. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in aysan kala cadeyn in Muumin lagu dilay duqeynta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments