Sahan media Muqdisho: Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax shalay ka dhacay hotel yar oo ku yaalla meel u dhow saldhigga booliska ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Qaraxan oo ka dhacay magaalada Mandheera oo ku taalla xuduudka Soomaaliya ayaa ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay hoteelka, waxaana la qarxiyay xilli ay dad badan u fariisteen inay quraacdaan.
Taliyaha Booliska Mandheera, Samwel Mutunga, ayaa sheegay in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato, loona duulin doono Magaalada Caasimadda ah ee Nairobi.
Baarayaasha ayaa weerarka ku eedeeyay kooxda xagjirka ah ee fadhigeedu yahay bariga Afrika ee al-Shabaab. Kooxda, oo aan sheegan mas’uuliyadda qaraxa, ayaa weeraro waaweyn ka geystay gudaha Kenya iyo Soomaaliya deriska la ah.
Weerarkii ugu dambeeyay ayaa daba socday mid kale oo Axadii ka dhacay gobolka xeebta ee Kenya ee Lamu, halkaas oo lagu dilay labo askari oo ka tirsan ciidanka keydka ee Kenya.
Deegaankan ayaa waxa uu leeyahay keymo, kaas oo inta badan ay ka dhici jireen howlgalada lagu xaqiijinayo amaanka, sababtoo ah waa goob ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada Al-Shabaab.
Intii lagu guda jiray howlgal ay boolisku ka sameeyeen ismaamulka Garissa Axadii, ayay askartu soo heleen agabka laga sameeyo IEDs, qori AK-47 ah iyo labo joornaal. Saddex qof ayaa baxsaday intii uu socday weerarka.
Deegaankan ayaa ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, halkaasoo ay horay uga soo galeen xoogag hubeysan oo weerarro ku qaaday.