Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay TV-ga dowladda ee Eri-TV oo qaatay muddo laba saacadood ah. Wareysiga oo lagu qaaday luqadda Tigriiga, ayaa waxaa si weyn u faafiyay warbaahinta Itoobiya oo ay ku jirto DW Amxaari.
Mid ka mid ah mowduucyada muhiimka ah ayaa ahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhawaan ay ku lug lahaayeen Eritrea, Masar, iyo Soomaaliya, oo bishii Oktoobar 2024 lagu saxiixay Asmara. Mar wax laga weydiiyey sheegashada ah in heshiisku yahay mid ka dhan ah Itoobiya, Madaxweyne Isaias waxa uu meesha ka saaray aragtiyahaas sida “warbixin ula kac ah oo lagu abuurayo jahawareer.”
Waxa uu yidhi, “Itoobiya lafteedu waxa soo food saartay dhibaatooyin aad u daran; Ma abuuri karno caqabado dheeraad ah halkii aan ka shaqayn lahayn sidii loo xallin lahaa xaaladdaha jira.”
Madaxweyne Isaias waxa kale oo uu difaacay isbahaysiga Masar, isaga oo sharraxay, “Masar waxa ay leedahay aragtiyo iyo dookh u gaar ah. Sababta aan u kulano oo aan uga wada hadalno maaha mid horseedaya iska hor imaad midba midka kale. Tani wax shaqo ah kuma lahan xaaladda Itoobiya.”
Walaaca Ku Saabsan Isbahaysiga Masar
Baraha bulshada ayaa su’aalo lagu weydiinayaa go’aanka Eritrea ay ku xulafeysay Masar, oo ku saabsan biyo xireenka Grand Renaissance Dam (GERD) iyo taariikh cadaawad ah oo loo qabo Itoobiya. Iyadoo 85% biyaha Niilka ay ka soo jeedaan Itoobiya, Masar waxay biyo-xireenka ku tilmaantay “khatar ku ah ammaankeeda qaranka” waxayna xitaa si maldahan u sheegtay tallaabo milateri. Itoobiya waxa ay dabada ka riixaysay “sinaanta isticmaalka biyaha” halka Masar ay riixday xuquuq gaar ah oo ku salaysan heshiisyo waagii gumaysiga.
Bishii Sebtembar 2024, Masar waxay Soomaaliya u soo dirtay hub culus, wax yar ka hor heshiiskii Oktoobar ee Eritrea. Tani, oo ay weheliso heshiiska milateri ee Masar ay la gashay Muqdisho iyo xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan is-afgaradka January 2024 ee Somaliland, ayaa sii hurisay shakiga laga qabo in xulafada Eritrea ay qayb ka tahay istaraatiijiyad ballaaran oo lagu beegsanayo Itoobiya.
In kasta oo Eritrea iyo Itoobiya ay soo afjareen ismariwaagii nabad-la’aanta ahaa ee muddada labaatanka sano ah u dhexeeyay, haddana sannadihii u dambeeyay xiriirkoodu wuu sii xumaanayey. Dad badan oo indha indheeya arrimahan ayaa u sababeynaya sii xumaanshahan heshiiskii Pretoria, kaas oo soo afjaray khilaafkii u dhexeeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo dowladda federaalka Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Isaias, ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo, isaga oo sheegay, “Heshiiska Pretoria wax shaqo ah kuma lahan Eritrea.” Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in heshiiskaasi ay diyaariyeen quwado shisheeye