Google search engine
HomeWararka MaantaTaliyaha Booliska Asad Cismaan Cabdullaahi “Diano ayaa la kulmay Safiirka Shiinaha u...

Taliyaha Booliska Asad Cismaan Cabdullaahi “Diano ayaa la kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Sahan media Muqdisho: H.E. Wang Yu, Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, ayaa booqasho ku tagay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) Xarunta ciidanka waxa uu kula kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska General Asad Cismaan C/laahi “Diano”. Labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xoojinta iskaashiga amniga guud ee labada dal.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta taageerada deeq-bixiyaashu ay siiyaan ciidanka booliska Soomaaliyeed ee dhinacyada tababarida ciidanka, mashaariicda horumarineed iyo ka qeyb qadashada dagaalka socda.

S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in xiligaan oo lagu jiro dagaalka kooxaha argagixisada ah ay muhiim tahay in la helo ciidan boolis ah oo la wareega meelaha laga saaro argagixisada.

Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka khaasatan dowladda Shiinaha ee la xiriirta tayeynta dhismaha xarumaha ciidanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments