Sahan media Muqdisho: Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis, kadib wareegto uu soo saaray.
Ra’iisul wasaare Xamza ayaa Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) u magacaabay wasiirka beeraha iyo waraabka halka Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo guryeynta, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiskiisa.
Sidoo kale wareegtada ayaa lagu sheegay in isla maanta ay dhaqan gashay magacaabistan, kadib markii uu saxiixay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamaza Cabdi Barre.