Google search engine
HomeWararka Maantawaa kuma Suldaan Siciid Axmad?

waa kuma Suldaan Siciid Axmad?

Sahan media Muqdisho: War qoraal ah oo lagu daabacay barta X ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland ayaa lagu yiri, “Wasiirka Arrimaha Dibadda Elina Valtonen, waxay Suldaan Siciid Axmed u magacawday ergaygeeda gaarka ah ee dhexdhexaadinta nabadda ee Geeska Afrika. Suldaan Saciid Axmed, wuxuuna diiradda saari doonaa taageeridda hababka nabadda.”

Waxaa uu sheegay Suldaan in dalalka Geeska Afrika ay Finland la leedahay xariir soo jireen ah oo dheer, ayna kala shaqeyn doonaan nabadda, xasiloonida iyo arrimaha bin’aadanimada .

Anigu waxan si gooni ah diiradda u saari doona sidii ay nabad u noqon lahaayeen dalalka geeska Afrika oo qaar badan oo ka mid ah ay la daalaa dhacayaan colaadda, isbadelka cimillada iyo abaaro” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxaa uu sheegay in dowladda Finland ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka ka dhex jira Soomaaliya Itoobiya, ayna qeyb ka ahaayeen bayaankii kasoo baxay ururka Midowga Yurub kaas oo lagu cadeeyay in la ixtiraamo madax-banaanida dhuleed iyo wadajirka Jamuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments