Sahan media Muqdisho: Itoobiya ayaa khamiistii muujisay sida ay uga xuntahay go’aanka golaha Midowga Yurub uu xayiraad dhanka fiisaha ah ugu soo rogay muwaadiniinta dalka Ithiopia.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Nebiyu Tedla, ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay ka codsan doonto golaha inay dib u eegaan xayiraadaha “caddaalad-darrada ah”.
April 29, Golaha Midowga Yurub wuxuu go’aamiyay in lagu kordhiyo waqtiga fiisaha oo ahaa 15 maalmood, lagana dhigo 45 maalmood, sababtoo ah Itoobiya waxay ku guuldareysatay inay gacan ka geysato soo celinta muwaadiniinteeda sharci-darrada ah ee ku jooga dalalka Midowga Yurub.
Go’aankan ayaa sababay in Itoobiyaanku ay heli waayaan fiisaha dal ku galka badan ee dalalka Midowga Yurub, halka dadka haysta baasaboorka diblomaasiga ah iyo kuwa adeegga aan laga dhaafi doonin kharashka fiisaha.
Tedla waxa kale oo uu dhaleeceeyay hadal ay si wada jir ah u soo saareen dhawr safaaradood oo ku yaala caasimadda Addis Ababa, oo ay ku jiraan US, UK, Germany, France, Sweden, iyo Australia, oo ay ku andacoonayaan in saxafiyiinta Itoobiya ku sugan ay mararka qaarkood “cabsi galiyaan oo si xaq-darro ah loogu xiro shaqadooda.
Bayaanka, oo la sii daayay munaasabadda maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka, wuxuu ahaa “mid aan la socon karin hab-dhaqannada diblomaasiyadeed ee la aqbali karo,” ayuu yiri.