Google search engine
HomeWararka MaantaMarkab ganacsi oo marayay xeebaha Somalia ayaa ka baxsaday afduub

Markab ganacsi oo marayay xeebaha Somalia ayaa ka baxsaday afduub

Sahan media Muqdisho: Markab ganacsi ayaa ka warbixiyay xaalad shaki leh oo ku timid markii dooni yar oo buluug ah oo ay la socdeen dhowr nin oo hubaysan ay meel 170 KM waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliya ka soo weerartay.

La-talinta amniga badda ee Ambrey ayaa sheegtay in markabka laga soo weeraray dhinaca sare, markabkan oo aan la magacaabin, ayaa lagu soo dhawaaday meel u jirta 100 mitir.

Doonta ayaa waxaa saarnaa 5-6 qof oo hubeysan. markabkii baayacmushtarka ayaa xaaladiisa beddeley oo buunkii ka dhawaajiyey. Koox gaar ah oo hubaysan oo ka tirsan ilaalada markabka saarnaa ayaa hubkooda la soo baxay, doonta ku soo dhawaatay ayayna ku fureen laba xabbadood oo digniin ah.

Doontii afduubka damacsanayd ayaa dabadeed joojisay soo dhawaadkii. Markabka ganacsigu waxa uu sii watay socdaalkiisa dhanka galbeed. Wax dhaawac ah lama soo sheegin.

Kabtan Rahul Khanna, oo ah madaxa la-talinta khatarta badda ee caalamiga ah ee Allianz Commercial, ayaa sheegay in maraakiibtu ay u nugul yihiin baad iyo burcad-badeedda laga yaabo in ay ku dhiiradaan waxa ka socda Badda Cas. Waxa uu intaasi ku daray inay suuragal tahay in mar kale ay dib u soo laabtaan Afduubka iyo Weeraradda Burcad-baddeeda ee Badda.

Arrintan waxaa sii xoojinaya burcadbadeedda Soomaalida oo sii daayay bishii hore markabkii ay afduubteen ee Abdullah iyo 23-shaqaale ah oo la socday bishii hore kaddib markii la bixiyay $5m oo madaxfurasho ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments