Sahan media Muqdisho: Wasaaradda Difaaca ee Itoobiya ayaa Isniintii beenisay wararka sheegaya in diyaarad helikobter ah oo militari ay ku burburtay waqooyiga magaalada Bahir Dar.
“Ma jiro wax khasaare ah ama shil ah oo soo gaaray diyaarad Helicopter ah oo Itoobiyaan ah wax kasta oo dhacay,” ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay soo saartay.
Warar soo baxay Sabtidii ayaa sheegaya in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka Itoobiya ay ku burburtay magaalada Bahir Dar. Wararku ma kala cadeyn in diyaaradan ay la socdeen saraakiil ciidan ama wakiilo dowladeed, sida ay sheegtay Borkena News oo ah shabakad online ah oo fadhigeedu yahay dalka Itoobiya.
Ma jiro wax tafaasiil ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhalan kara iyo waxa sababay shilkan lagu eedeeyay.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa warkaas beenisay, iyadoo sheegtay in jaahwareerka uu ka dhashay hakad ku meel gaar ah oo lagu sameeyay diyaarad helicopter ah, taasoo ay dhinacyada qaar si been abuur ah u sheegeen inay dhacday.
“Warbixintan wax kale maahan waa dacaayad ay ku musalafayaan cadowga Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ciidamada Ethiopia ayaa dagaal xoogan kula jira maleeshiyaadka Fano oo inta badan ka howlgala Gobolka Axmaarada.