Sahan media Muqdisho: Dowladda Jabuuti ayaa qorsheynaysa in ay Itoobiya si gaar ah u siiso deked cusub si ay u qaboojiso xiisadda ka dhalatay hamiga Ithiopia ee ah in ay helaan waddo toos ah oo dhanka badda ah.
Itoobiya ayaa kicisay khilaaf diblumaasiyadeed bishii January markii ay soo bandhigtay hindise ay ku doonayso in ay Somaliland ugu aqoonsato qaran madax-banaan, taas beddelkeedana ay hesho deked ku taal gacanka cadmeed. Somaliya oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa ka soo horjeesatay qorshahaas iyo xidhiidhka labada dal oo sii xumaanayay ilaa wakhtigaas.
Jabuuti, oo xuduud la wadaaga labada dal ee Itoobiya iyo Somalia, ayaa “ qarka u saaran inay u soo jeediso” Itoobiya waddo kale oo loo maro Gacanka Cadmeed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mahamoud Ali Youssouf ayaa sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey BBC-da oo la baahiyey Jimcihii.
“Waxaan bixineynaa 100% maamulka dekedda waqooyiga, waddo cusub oo horay loo dhisay” oo ku taal Tadjoura oo ku taal xeebta Geeska Afrika, ayuu yidhi. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la yimid soo jeedinta ah in la helo qaab wada hadal ah oo lagu joojiyo xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika, ayuu yiri.
Soomaaliya ayaa ka jawaabtay ismariwaaga kala dhaxeeya Itoobiya iyadoo horaantii bishan saxiixday heshiis iskaashi ciidan. Masar ayaa intaa kadib bilowday inay hub siiso Soomaaliya, waxaana ay tababar siin doontaa ciidamadeeda, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Masar waxa ay Itoobiya la leedahay xiriir adag oo ku saabsan dhismaha biyo-xireenka weyn ee tamarta laga dhaliyo ee dalkaas uu ka dhisayo webiga Niil. Maamulka Qaahira ayaa ka walaacsan in kaydka Itoobiya ay halis ugu jiraan dhimista qulqulka wabiga Niil, kaasoo Masar ay ku tiirsan tahay ku dhawaad dhammaan biyaheeda macaan.
Jabuuti, oo ku taal marinka maraakiibta caalamiga ah ee isku xira
badda cas iyo kanaalka Suweys ilaa gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya, ayaa ka walaacsan xiisadaha sii kordhaya ee gobolka, Yuusuf ayaa yidhi.
“Inkasta oo Jabuuti ay tahay dal xasiloon, ammaankiisuna wanaagsan yahay, ma dhihi karno xiisadaha ka jira dalalka deriska nama saameynayaan,” ayuu yiri. Waxay noqon doontaa ” isha ugu weyn ee walaaca ” haddii dhibaatada gobolka ay sii korodho, ayuu yiri wasiirku.
Hoggaamiyaha Jabuuti Geelle ayaa qorsheynaya inuu madaxda gobolka kula kulmo Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo toddobaadka soo socda ka dhacaya magaalada Beijing si uu ugala hadlo arrintan, ayuu yiri Yuusuf.