Sahan Media Muqdisho: Kenya ayaa Arbacadii sheegtay inay ka shaqaynayso sidii ay hawsheeda ammaanka ee Haiti ugu wareejin lahayd hawlgal Qaramada Midoobay ka dib markii uu hakad ku yimid dhaqaalihii Maraykanka, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dawlada.
Korir Sing’oei, oo ah xog-hayaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay in inkasta oo 90-maalmood uu Maraykanku laalay lacagta, haddana howlgalka jasiiradda Haiti uu weli ku sii shaqeynayo kheyraadka jira.
“Runtii waa wax aan sal lahayn in (maraykanku) ku amray UN-ka inay joojiyaan maalgelinta, gabi ahaanba waa mid aan sal lahayn.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Mareykanka uu ku yaboohay ku dhawaad ​​600 milyan oo doolar howlgalka Taageerada Amniga Caalamiga ah (MSS), iyadoo qeyb muhiim ah horay loo bixiyay.
“Waxa kaliya ee uu Mareykanku sameeyay waa in la yiraahdo, waayahay, aan hakinno lacag-bixinta dheeraadka ah ee sanduuqa kalsoonida muddo 90 maalmood ah. Taasi waxay saamaysaa kaliya 15 milyan oo doolar. Hawlgalku wuxuu horey u haystay 110 milyan oo doolar si uu u sii wado hawlgallada, waxaana aad ugu kalsoonahay in dalal kale ay ka qayb qaadan doonaan howlgalkan.”
Waxaa jira qorshayaal loogu wareejinayo howlgalka Qaramada Midoobay, kaas oo awood u siinaya in si toos ah loo helo tabarucaadka lacagaha sharciga ah ee Qaramada Midoobay, ayuu yiri Sing’oei.
“Xaqiiqdu waxay sidoo kale tahay in howlgalkan loo wareejin doono howlgalka Qaramada Midoobay, kaasoo awood u siinaya inay si toos ah u qiimeeyaan tabarucaadka laga helo dhaqaalaha Qaramada Midoobay,” ayuu yiri.
“Marka mowqifka Kenya waa in howlgalka uu weli sii socon doono,” ayuu mar kale xaqiijiyay, isaga oo meesha ka saaray walaaca laga qabo in joojinta maalgelinta Mareykanka ay meesha ka saarto dadaallada nabadda.
Walaaca maalgelinta ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu amray in 90-maalmood dib u eegis lagu sameeyo barnaamijyada gargaarka dibadda.
Kenya ayaa hogaaminaya howlgalka Taageerada Amniga Caalamiga ah ee Haiti, kaas oo uu fasaxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Oktoobar 2023, iyada oo ujeedadu tahay in laga caawiyo Booliska Qaranka Haiti la dagaalanka rabshadaha sii kordhaya ee gaangiska iyo dib u soo celinta amniga.