Google search engine
HomeWararka MaantaLaba qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay Baladweyne

Laba qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay Baladweyne

Sahan media Muqdisho: Inta la xaqiijiyay laba ruux oo kala ah Askari ka tirsan ciidanka dowladda iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay qarax Miino oo goordhow ka dhacay Maqaayad ku taala Xaafada Xaawo Taako, gaar ahaan laanta Guufaale ee magaalada Baladweyne.

Maqaayada uu ka dhacay qaraxaan miino ayaa la sheegay iney fariisan jireen dad u badan askarta dowladda, waxaana qaraxa kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga degmada Baledweyne oo joojiyay dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, kuwaas haalkaas ka wada Baaritaan.

Qaraxaan miino ee jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Baledweyne ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe magaaladu ka yaraadeen qaraxyada noocaan oo kale ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments