Google search engine
HomeWararka Maantalaba qof oo dil ka gaystay dagmada Wadajir ayaa gacanta lagu dhigay

laba qof oo dil ka gaystay dagmada Wadajir ayaa gacanta lagu dhigay

sahan Media Muqdisho: Maxamed Axmed Cabdiraxmaan (Biriq) ayaa lagu magacaabaa ganacsadaha lagu dilay dagmada Wadajir, waxaana la sheegay inay isku dhaceen haweeney deris la aheyd oo ganacsato kale ah, khilaafka labada qof ayaa soo jiitamaayay maalmo badan.

Ganacsade Maxamed Biriq oo dacwo ka ah haweeneyda galabta Tooreyda ku dishay ayaa la sheegay in maalmo ka hor uu tegay saldhigga booliska degmada Wadajir isagoo dacwo ah, booliska ayaa ku soo baxay khilaafkaas, waxayna isku dayeen inay xaliyaan.

Haweeneyda ayaa galabta u yeeratay walaalkeed, kaas oo u soo gurmaday, garmahana ka qabtay ganacsade Maxamed Biriq, iyadoo wadata Toorey ayaa la sheegay inay la dhacday ninkii ilaa uu ka geeriyooday.

Ehellada marxuumka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda la qabatay oo gacanta booliska ay ku jiraan labadii walaal ee dilay marxuumka, kuwaas cadaaladda la horgay doono.

Sidoo kale, ehellada ayaa galabta caddeeyey in meydka aysan aasi doonin ilaa cadaalad ay ka helaan, isla markaana ay geliyeen qaboojiyaha Isbitaalka Madiina.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments