Google search engine
HomeWararka DibaddaLix ama todoba burcad badeed Soomaali ah oo ku guuldarreystay inay fuulaan...

Lix ama todoba burcad badeed Soomaali ah oo ku guuldarreystay inay fuulaan markab Malayshiyan ah ayaa lugu wareejiyay wadanka Seychelles

Sahan media Muqdisho: Koox ka kooban lix qof oo Soomaali ah ayaa ku guuldareystay inay raacaan markab ay maamusho Singapore Jimcihii.

Ciidamada badda Yurub ayaa xabsiga dhigay Jimcihii lix qof oo looga shakisan yahay inay yihiin burcadbadeed kaddib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay gacanka Cadmeed, sida ay saraakiishu sheegeen, taasoo loo badinayo inay qayb ka tahay weerarrada sii kordhaya ee burcadbadeedda ee ka imaanaya Soomaaliya.

Weerarkan lagu qaadaymarkabkan ayaa ku soo beegmaya xili sidoo kale fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay weerar ku qaadeen maraakiibta mara marin biyoodka muhiimka ah, Badda Cas iyo marin biyoodka Bab el-Mandeb. Weerarada ayaa hoos u dhigay isu socodkii ganacsiga ee mara marinka muhiimka ah ee badda ee u socda kanaalka Suweys iyo badda Mediterranean-ka.

Burcad-badeeddu waxay ka toogteen markabka markab yar “hub iyo jaranjaro sidey,” sida laga soo xigtay xarunta hawlgallada ganacsiga badda ee Boqortooyada Ingiriiska, kaas oo kormeera marinnada maraakiibta Mideast. Burcadbadeeda ayaa watey qoryo u eg Kalashnikov iyo baasuukayaal, sida ay sheegtay shirkadda amniga ee gaarka loo leeyahay ee Ambrey.

Burcadbadeedda ayaa markii hore rasaas ku furay markabka, kuwaas oo hubeysnaa, oo kooxihii ammaanka ee saarnaa ay ku jawaabeen rasaas, ayay tiri UKMTO.

Burcadbadeeda ayaa ka dib ka tanaasulay isku daygii ay ku doonayeen in ay ku qaataan markabka, taasoo noqotay in ay bad qabaan dhammaan shaqaalihii la socday, UKMTO ayaa sidaas sheegtay. Qiiq madow ayaa kasoo baxay doonida yar ee ay wateen burcadbadeedda, waxaana loo badinayaa inuu ka yimid durbaan shidaal oo gubanaya, ayuu yiri Ambrey.

Saacado ka dib, ciidamada badda Midowga Yurub ee ku sugan gobolka loona yaqaanno Operation Atalanta ayaa sheegay in markab ka howlgala gobolka ay qabteen lix qof oo looga shakisan yahay burcadbadeednimo. Markabka ayaa qabtay burcad-badeedda, marka la fiiriyo”xaaladda badbaado ee doonyaha ay ku safrayeen” waxayna sheegeen in qaarkood ay qabaan “dhaawacyo kala duwan.”

Ilaa hadda ma cadda in kuwa dhaawacmay ay soo gaareen dhaawacyo rasaas ah oo ka dhashay rasaas ay isweydaarsadeen markabkii ay weerareen. Ciidamada Midowga Yurub waxay diideen inay tafaasiil ka bixiyaan “ammaanka hawlgallada awgeed.”

Ambrey ayaa markabka Midowga Yurub u aqoonsaday inuu yahay markabkii Talyaaniga ee Carlo Bergamini ITS Federico Martinego.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments