Google search engine
HomeWararka MaantaMadaxweyne Xasan Sheekh oo markale weeraray damaca Itobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale weeraray damaca Itobiya

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galayay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda.

Waxa uu meesha ku soo bandhigay Aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee daris-wanaagga iyo iskaashiga ku saleysan is-ixtiraamka iyo dheef-wadaagga.

Xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas ayuu xusay in ay aas-aas u tahay nabadda iyo ganacsiga calamiga ah, sidaas ageed dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso iskaashiga iyo xasillooni gobolka.

Xadgudubka Xukuumadda Itoobiya ay ku sameynayso midnimada iyo madaxbannanida Soomaaliya ayuu carabka ku adkeeyay in ay wiiqayso

dadaallada calamiga ah ee xasilinta marinada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas. Dhammaan qodobbada mala-awaalka ah ee ay ku marmarsiyoonaysay Xukuumadda Itoobiya kuwaas oo ay ku doonayaan in ay ku xalaashadaan Baddeena ayuu si weyn u beeniyay.

Xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ayuu tibaaxay in ay barbar socdaan gorsheyaal lagu adkeynaayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments