HomeWararka MaantaMadaxweyne Xasan Sheekh: Talo dhexda la dhigayo ma jirto, dalkuna dowlad ayuu...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Talo dhexda la dhigayo ma jirto, dalkuna dowlad ayuu leeyahay

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in aanay jirin talo dhexda la dhigayo, isaga oo xusay in dalka uu leeyahay dowlad iyo nidaam dowladnimo lagu maareeyo arrimaha siyaasadeed, isla markaana aanay jirin cid talada dalka dhinac iska dhigi karta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad, lana ixtiraamo hay’adaha dowliga ah iyo go’aannada garsoorka, isaga oo ka digay in khilaafaadka lagu wajaho xoog iyo iska horimaad.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin sabab qof loogu xiro, loola dagaallamo ama amni-darro loogu abuuro aragtidiisa siyaasadeed, isaga oo adkeeyay in dadka qaba fikradaha kala duwan ay xaq u leeyihiin inay aragtidooda ku cabbiraan hab nabadeed.

Waxa uu ka digay in Soomaaliya dib ugu laabato xilliyadii ay dalka ka dhici jireen dilalka siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo qaybaha kale ee bulshada, isaga oo ku baaqay in laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta colaado iyo dhiig daata.

Xasan Sheekh ayaa ugu dambayn carrabka ku adkeeyay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo hannaan dowladeed iyo wada-hadal, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid, kaddib markii mucaaradka ay ka horyimaadaan jadwalka doorasho ee uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheikh inuu talada dhulka dhigo, si loo wada hadlo. loona gaaro heshiis.

Mucaaradka ayaa ku goodiyay talaabada uu qaaday giddiga doorashada in ay sii fogayn karto in heshiis siyaasadeed laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments