Sahan media Muqdisho: Maxkamad ku taal dalka Guinea ayaa ku xukuntay hogaamiyihii hore ee militariga Moussa Dadis Camara 20 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.
Maxkamadda dambiyada ee dalka Guinea ayaa ku dhawaaqday go’aankeeda Arbacadii ka dib laba sano oo dacwad ah oo ku saabsan caburinta dilaaga ah ee hoggaamiyahan uu ku sameeyay isu soo bax mucaarad ah oo ka dhacay garoon ku yaal agagaarka caasimadda Conakry, sannadkii 2009-kii, kaasoo ay ciidamadiisu dileen ugu yaraan 156 qof, kuna kufsadeen 109 haweenka, sida laga soo xigtay guddi ay Qaramada Midoobay u xilsaartay baaritaanka.
Maxkamada ayaa ku dhawaaqday eedeymahan oo isugu jira dil, kufsi, jir dil iyo afduub, waxaana loo kala saari doonaa dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada ka hor inta aan la xukumin Camara iyo todobo kale oo taliye ciidan ah. Afar eedaysane oo kale ayaa lagu waayay dambiga.
In ka badan 100 ka badbaaday iyo qaraabada dhibanayaasha ayaa ka marag kacay maxkamadeynta bilaabatay 2022, in ka badan toban sano ka dib markii xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada Camara, askar, boolis iyo maleeshiyaad ay geysteen xasuuqa.
Maxkamaddu waxay amartay in magdhow la siiyo dhibanayaasha, taasoo u dhaxaysa 200 milyan ilaa 1.5 bilyan oo faran Guinea ah una dhiganta 23,000 ilaa $174,000.
Qaar ka mid ah ehelada dhibanayaasha ayaa ku ammaanay xukunka in uu yahay cadaalad ugu dambeyntii halka qaar kalena ay sheegeen in ciqaabta uu ku muteysan karo Camara, oo xabsiga ka baxsaday bishii November ee sanadkii hore xilli uu xabsiga ku jiray, balse markii dambe dib loo qabtay, aysan ku filneyn.
“Xukunku ma waafaqsana dembiyada. Walaalaheen waa la kufsaday, walaalaheenna waa la xasuuqay, meydad ayaa la sheegay in la la’yahay,” ayay tiri Safiyatou Balde, oo 25 jir ah, qaraabo la ah mid ka mid ah dhibanayaasha.
Alfa Amadou DS Bah, oo ah qareenka hormuudka u ah dacwoodayaasha kiiska, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xukunka.
“Waa markii ugu horeysay ee madax hore oo dowladeed lagu xukumo dambiyo culus oo noocan oo kale ah, iyo saraakiil sare oo militari ah,” ayuu yidhi. “Waxay ila tahay in go’aankani yahay mid ka dhan ah isla xisaabtan la’aanta dalkan.”
Human Rights Watch ayaa sidoo kale soo dhaweysay xukunka. Xukunku wuxuu dhigayaa “dambiilayaasha heerka sare ah ee Guinea iyo meelo kaleba ogeysiis ah in cadaaladdu ay guulaysan karto”, ayay tiri Tamara Aburamadan, oo ah lataliyaha sharciga cadaalada caalamiga ah ee kooxda xuquuqda.
Qareenada difaacayay ayaa ku dooday in dib loo kala saaro eedaha loo haysto dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada maalinta xukunka ay dhacayso eedaysanayaasha fursada ay isku difaaci karaan oo ay ku xad-gudbi doonaan xaqa ay u leeyihiin in ay helaan dacwad cadaalad ah.
Eedaysanayaasha iyo dacwoodayaashuba waxay haystaan 15 maalmood oo ay racfaan kaga qaataan xukunka.