Sahan media Muqdisho: Ciidamada Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha Beesha eedaysanaha ayaa saaka gacanta ku dhigay Maxamed Abshir Muuse (Bootaan) oo ku eedaysan dilkii marxuum Khaalid Cali Khaalid oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda bariga Afrika.
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ay saaka 6:00am subaxnimo gacanta ku dhigeen eedaysane Maxamed Abshir Muuse islamarkaana lagu qabtay Degaanka Durduri.
“Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse”.
“Eedaysanaha ayaa gacanta lagu soodhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri. Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland.
Sawirkan waa marxuum Khaalid Cali Khaalid.