Google search engine
HomeWararka MaantaMarkab laga leeyahay Ingiriiska Rubymar ayaa ku degay Badda Cas

Markab laga leeyahay Ingiriiska Rubymar ayaa ku degay Badda Cas

Sahan media Muqdisho: Dowladda Yemen ayaa Sabtidii ku dhawaaqday in markabka Rubymar ee Britain uu ku degtay badda cas “sababo la xiriira cimilada iyo dabeylo xooggan.”

“Waxaan ku dhawaaqeynaa quusinta markabka M/V Rubymar shalay fiidnimadii, taasoo ku soo beegantay jawiga cimilada iyo dabaylaha xooggan ee laga arkay badda,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxda Maareynta Qalalaasaha ee markabka Rubymar ee ay sameysay dowladda Yemen.

Dawladdu waxay sheegtay in ay ka xuntahay quusitaanka markabka, kaas oo sababi doona masiibo deegaan oo ka dhacda badda Yemen iyo badda cas. Markabka Rubymar ee laga leeyahay dalka Ingiriiska oo Xuutiyiintu ay beegsadeen 18-kii Feberaayo ayaa waxa uu siday xaddi badan oo Ammonia iyo Saliid ah, sida ay sheegtay wakaaladda rasmiga ah ee Saba.

Sabtidii la soo dhaafay, dowladda Yemen ayaa sheegtay in markabka uu ku sii jeeday jasiiradda Hanish ee Yemen ee ku taal badda cas, taasoo khatar gelinaysa “musiibo deegaan oo weyn.”

Dhanka kale, Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa Sabtidii lasoo dhaafay sheegay in “Weerarka aan loo meel dayin ee aan laga fiirsan ee ay fuliyeen argagixisada Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto ay u geysteen burbur weyn oo soo gaaray markabka, kaas oo sababay 18 mile oo saliid ah.

“M/V Rubymar waxa uu qaadayay in ka badan 41,000 oo tan oo bacrimin ah markii la weeraray, taas oo ku dhici karta badda cas oo ka sii dari karta masiibada deegaanka,” ayay raacisay.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa bartilmaansanaysa maraakiibta xamuulka qaada ee mara badda cas iyo gacanka cadmeed ee ay leeyihiin ama ay maamulaan shirkado Israa’iil ah ama u daabula badeecadaha u kala goosha Israa’iil iyaga oo garabsanaya marinka Qaza oo ay Israa’iil duqeymo ku hayso tan iyo 7-dii Oct.

Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka dhalatay weerarrada wadajirka ah ee Mareykanka iyo UK ay ku qaadeen bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Yemen, kooxdu waxay ku dhawaaqday inay u aragto dhammaan maraakiibta Mareykanka iyo Ingiriiska bartilmaameedyo millatari oo sharci ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments