Google search engine
HomeWararka MaantaMaxaa ka jira eedeynta madaxweynihii hore Sheekh Shariif u jeediyay Dowladda?

Maxaa ka jira eedeynta madaxweynihii hore Sheekh Shariif u jeediyay Dowladda?

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay in degmada Kaxda aysan kamid noqon degmooyinka laga codeeynayo, waxa uuna sheegay in shacabkeeda ay kamid yihiin canshuur bixiyaasha ugu badan ee dowladda lacag siiya.

“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu  yiri Sheekh Shariif.

Waxa uu sidoo kale uu Sheekh Shariif cambaareeyay in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday in mar walba uu garab taaganyahay xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin ka qaybgalka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo simanyahay.

Ugu dambeyn waxa uu Shariif sheegay inuu uga digayo guddiga doorashooyinka inay ka waantoobaan cadaadiska ay saarayaan shacabka caasimadda oo hadda ay muuqato in lagu qasbayo hannnaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments