Google search engine
HomeWararka MaantaMaxaa ka run ah wadahadallada Nairobi ee Soomaaliya iyo Itobiya?

Maxaa ka run ah wadahadallada Nairobi ee Soomaaliya iyo Itobiya?

Sahan media Muqdisho: maxaa keenay in Itoobiya ay ku fakareyso inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland, sababta oo ah kadib markii ay la kulantay cadaadis caalami ah oo lagu saarayo inay qaboojiso xiisadda ka dhalatay damaceeda Badda.

Bishii Janaayo, Itoobiya ayaa heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, si ay u noqoto dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada gobolka ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, ayada oo ku beddelaneysa in la siiyo bad ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed.

Heshiiska is-afgarad ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalalka deriska ah, ayada oo Soomaaliya ay wacad ku martay “inay difaaci doonto madax-banaanideeda dhuleed” halka Masar iyo dalal kale ay ku baaqeen feejignaan. 

Wada-hadallo dhowaan ka dhacay Nairobi oo uu la yeeshay madaxweynaha Kenya William Ruto, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa muujiyey inuu diyaar u yahay “inuu dib uga laabto” qeybaha muranka dhaliyey ee heshiiska, si uu soo celiyo xiriirka Soomaaliya, sida ay sheegeen dad xog-ogaal ah oo codsaday inaan la magacaabin. 

Saraakiisha Itoobiya ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay saraakiil ajnabi ah in dalka uu diyaar u yahay “inuu meesha ka saaro aqoonsiga Somaliland, sida ay sheegeen shan diblomaasi shisheeye oo lagu wargeliyey mowqifka Addis-Ababa.  

Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale arritan kusoo qaaday kulan uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna booqanayey Kenya xilligii uu ku sugnaa Abiy Ahmed. 

Mareykanka iyo Qaramada Midoobey ayaa ka digay in tani ay u ogolaan karto Al-Shabaab inay uga faa’iideysato inay qorato dagaal-yahano cusub.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments