Google search engine
HomeWararka MaantaMaxaa Xilka Looga Qaadayaa Xildhibaan Maxamad Abiib?

Maxaa Xilka Looga Qaadayaa Xildhibaan Maxamad Abiib?

Sahan media Muqdisho: Xildhibaan Maxamad Abiib oo meel fagaare ah kula hadlay shacabka uu wakiilka ka yahay ee reer Boorama ayay falcelin adag ka timid maamulka S/land. Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa war cusub kasoo saaray qorshaha socda ee maamuus ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac oo ka tirsan golahaasi.

Guddoomiye Faratoon oo warqad soo saaray ayaa kulan aan caadi ahayn isugu yeeray xubnaha golaha wakiilada Somaliland si xasaanadda looga xayuubiyo xildhibaan Abiib, kadibna loo guda galo eed culus oo uu usoo jeediyay xeer ilaaliyada guud ee maamulkaasi.

Faratoon ayaa sheegay in kulankaas aan caadiga ahayn uu dhacayo maalinta Khamiista ee soo socota, wuxuuna ka codsaday xildhibaannada inay kasoo qayb-galaan.

“Waxaan go’aansaday in aan isugu yeero kalfadhi aan caadi ahayn maalinta Khamiista ah oo ay bisha ku beegan tahay 25/07/2024, saacaduuna ay tahay 8:30 subaxnimo. Ajendaha kalfadhigan aan caadiga ahayni waxa kaliya oo uu khuseeyo, isla markaana laga go’aan gaarayo waa soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud ee ah maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiye Faratoon.

“Haddaba waxaan mudanayaasha ku wargelinayaa inay dhowraan, isla markaana kasoo qaybgalaan kalfadhigan aan caadiga ahayn” .

Ujeedka ugu wayn ee maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib ayaa la xiriirta qorshe ay wadato madaxtooyadu oo doonayso inay xirto si loo maxkamadeeyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments