Sahan media Muqdisho: Madaxweyne Xasan sheekh ayaa ka aqbalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Gogol wadahadal oo ay fidisay Puntland.
madaxweyne Deni oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garowe ayaa sheegay in gogoshaasi looga hadli doono arrimaha Soomaaliya kuwa guud iyo kuwa gaar ahaaneedba muddooyinka soo socda.
“ madaxweyne Xasan wuu soo dhaweeyay in gogoshaas Garowe lagu qabto, wuxuu sidoo kale madaxweyne Xasan u xilsaaray Raisal wasaare ku xigeenka mudane Saalax Axmad Jaamac diyaarinta ajendaha gogoshaas looga hadlayo, kulankii xigay markuu tagay madaxweyne Xasan waxaa lagu soo bandhigay ajendayaasha hortabinta u leh in lagu soo bandhigo munaasabadaas, xadidana waqtiga ugu haboon ee la qaban karo gogoshaas” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Deni.
Siciid Deni ayaa madaxweynaha uga mahad celiyay aqbalaadda gogoshaas iyo madaxweynayaasha kale ee kulanka joogay sida ay usoo wada dhaweeyeen gogoshaas.